Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dunida xoogtan la'aan malagu dhaqi karaa?

Waxaa maanta caalamka laga xusayaa maalinta rabsho la'aanta ama xoogtan la'aanta, oo lagu beegay maalintii uu dhashay, Mahatma Gandhi, oo ahaa nin usoo halgamay madax bannaanida Hindiya, isagoo si nabdood ula xisaabtamay gumeytihii Britain.

Maalintan ayaa looga gol leeyahay in caalamka laga sameeyo dhaqan ku dhisan nabad, isfahan iyo isu dulqaadasho.

Haddaba si aan wax badan uga ogaano arrinkan ayaa waxaannu wareysannay, Cabdullahi Maxamed Shirwac, oo arrimaha nabadeynta Soomaaliya muddo ka soo shaqeynayay, waxa uu u warramay weriyaha BBCda, Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.