Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wiil dabaal ku galay Canada oo degenaansho la siiyay

Dawladda Canada ayaa ruqsada daganaanshaha dalka siisay wiil Soomaali ah oo dabaal ku galay dalkaasi isaga oo wabi ka soo talaabay oo ka soo galay dhanaka Maraykanka.

Yahye Samatar oo la hadlay BBC da bartamihii bishii sideedaad ee sanadkan 2015 waxa uu ahaa mid niyad jabsan, kadib markii dowlada Mareykanka ay ku wargalisay in aan sharci la siineyn isaga oo shan sano halkaasi ku sugnaa.

Haddaba waxaan ka wareysanay dareenkiisu sida uu yahay hadda maadaama oo uu dalka Canda ka helay deganaansho. Xassan Cali Geelle ayuu u warramay.