Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Duqaymaha Ruushka maxay yeeli karaan Dawladda Islaamka

Diyaaradaha dagaalka ee Rushka ayaa weli duqaymo xagga cirka ah ka wada gudaha dalka Suuriya, iyada oo maalintii shalay ahayd ay qaadeen 18 weerar mudo 24 saac gudahood ah kuwaas oo ay ku bartilmaameedsadeen taliska kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ee magaalada Raqqa.

Duqeymahan Ruushka ee gudaha Suuriya ayaa waxaa qoraal mideysan kasoo saaray dalalka Mareykanka Sacuudiga, Faransiiska iyo Turkiga kuwaasi oo kula dardaarmaya Ruushka in uusan duqeynin mucaaradka xukuumada Suuriya, balse uu xoogga saaro uruka Dowladda Islaamka.

Haddaba duqaymahaasi uu Ruushku ka wado Suuriya ma wiiqi karaan Dawladda Islaamka Dr. Maxamed Cali Ibrahim oo ka faalooda arrimaha Carabta ayaan arrimahaas ka waraysanay Bashkas Jug soo dhacay ayuuna u waramay.