Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida Kenya oo ka cabatay Safaricom

Qaar kamid ah dadweynaha ku nool gobalka waqooyi bari Kenya ayaa ka cadhooday tallaabada shirkada tilifoonada gacanta ee ugu wayn dalka kenya ee Safaricom ku samaysay xayeysiin ay ku bartilmamameedsanayso dhamaan gobalada marka laga reebo gobalka waqooyi bari.

Dhalinyaradu waxa ay ku baaqeen in macaamiisha shirkadaasi ee gobolka waqooyi bari ay qaadacaan isticmaalka adeegeeda.

Xayeysiinta ayaa xamabaarsan abaalmarin malaayiin shilinka Kenya ah.

Dhallinyaradu waxay diidmadooda ku soo bandhigeen barta bulshada ee Twitterka.

Maxamed Cabdiraxman ayaa arintaasi waxa uu ka waraystay Cabdiraxmaan Isaq oo ka mid ah dadkii ololaha twitterka ee #BoycottSafaricomNE ka qaybqaatay.

Safaricom waxa ay hadda bixisay raali galin waxayna sheegtay in laga bilaabo Isniinta ay ka qaybqaadan karaan tartankaasi dadka gobolka waqooyi bari