Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nin Soomaali ah oo 50 sano macallin ahaa

iyadoo maanta oo ah 5ta Octoober la xusayo maalinta caalamiga ah ee macallimiinta, ayaa waxaa sannad kasta la sameeyaa olole lagu taageerayo macallimiinta sidii ay xagga tacliinta uga dhisi lahaayeen ubadka.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, dhaqanka iyo sayniska ee UNESCO ayaa ku tilmaantay muhiimadda maalintan in ay tahay wacyigelin iyo faham guud oo la xiriira kaalinta uu macallinku kaga jiro Bulshada.

Ismaaciil cali faarax oo loo yaqaanno (ismaaciil dhubbato) wuxuu ahaa macallim 50kii sano ee ugu danbeeyay, haddana waa gudoomiyaha waxbarashada ee gobolka Hargeysa.

Wariyaha BBC ee Hargaysa Axmed Siciid cige ayuu uga warramay waxa uu ku xusayo maalinta macallimiinta?.