Sepp Blatter
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falaqeyn ku saabsan FIFA iyo eedeynta Blatter

Qareenka madaxa Xiriirka kubadda cagta caalamka ee FIFA, Sepp Blatter, waxa uu sheegay inaan lagu wargelin tallaaba kastoo ay qaadayaan guddiga anshaxa ee xiriirka ee shaqada la doonayo in looga joojiyo.

Waxa ay sheegeen inay filayaan in guddiga ay Blatter dhageystaan ka hor inta aysan go'aanka ugu dambeeya gaarin.

Guddiga anshaxa ayaa ku taliyay talaabada kaddib markii xeer ilaaliyaha Switzerland uu billaabay kiis dacwad oo ka dhan ah Mr Blatter.

Waxaa lagu eedeeyay inuu heshiis aan loo dhameyn u saxiixay xiriirka kubadda cagta, uuna Laba milyan oo dollar siiyay madaxa UEFA Michel Platini.

Mr Blatter wuu beeniyay inuu wax qalad ah sameeyay. maanta ayaana la filayaa in go'aanka ugu dambeeyo ay gaaraan guddiga anshaxa ee FIFA.

Hadaba arrintan maxay macno ah oo ay leedahay, Maxamed Axmed Deysane ayaa Axmed Xaji Xasan uga warramay.