Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Roobab xoog badan oo looga digay Bariga Afrika

Roobkii ugu xoogga badnaa muddo 30 sano ah ayaa la sheegayaa in hadda wixii ka dambeeyo laga filayo inuu ka da'o bariga Afrika.

Saadaalinta roobkaasi waxa ay sababtay in ay la mid noqon karto musiibadii El Nino, kaddib markii heer kulka xeebaha ay sare u keceen.

Waxaa dowladaha hadda ay bilaabeen sii ay uga hortagi lahaayeen in musiibo xoog badan ay geystaan roobabakaasi.

Weriyaha BBC, Anne Soy ayaa tagtay Koofurta Kenya, waxayna eegeysaa sida dadka deegaanada ay ugu diyaargaroobeen sidii ay ula tacaali lahaayeen roobabaka xoogga badan ee la filayo.

Waxaa soo jeedinaya, Cabdullaahi Sheekh Cabdirisaaq