Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muxuu noqonayaa mustaqbalka FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Afrika, CAF, Issa Hayatou, ayaa waxa uu noqday madaxweynaha kumeelgaarka ah ee FIFA, halka ninka lagu magacaabo Angel Maria Villar ee u dhashay dalka Spain la filayo in uu sii qabto xilka madaxweynaha UEFA, kaddib markii Mr Platini laga joojiyay shaqada.

Afhayeenka madaxweynaha FIFA Sepp Blatter, ee shaqada la joojiyay ayaa sheegay in ay soo gudbinayaan cabasho ku aaddan in aannu wax khalad ah sameyn Mr Blatter.

Mr Platini, oo ah madaxweynaha xiriirka kubadda cagta ee Uefa ayaa isna sheegay in uu ka hortegi doono go'aanka ka dhanka ah.

Haddaba si aan wax badan arrimahan uga ogaanno waxaannu la xiriirnay, gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, Cabdiqani Siciid Carab. Axmed Xaji Xasan ayuu u warammay