Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maalinta Xanuunada dhimirka caalamka oo aan ku eegeyno Soomaaliya

Kumannaan bukaan oo la xanuunsanaya cudurrada ku dhaca dhimirka aduunka oo dhan ayaa la xaqiraa xuquuqdooda bini aadanimo, waa la takooraa, xadgudubyo maskaxeed iyo kuwa jireed ayaa loo gaystaa iyaga oo aan helin adeeg caafimaad oo ku filan.

Dunida waxa maanta laga xusayaa maalinta cudurka dhimirka, Soomaaliya bukaanada ka qaba cudurrada ku dhaca dhimirka ma helaan adeegyo caafimaad oo ku filan sida la sheegayo.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa tagay mid kamid ah xarumaha lagu hayo dadka xanuunsanaya, warbixintan ayuuna ka soo diray.