Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqeyn ku saabsan duqeynta Suuriya ee Ruushka iyo US

Aqalka Pentagon ka war ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Mareykanka iyo Ruushka ay yeesheen wadahadal Fiidiyow isku xiriirinayay, waxayna ka wada hadlaan sidii ay uga fogaan lahaayeen in shil uu ka dhexdhaco labada dal inta ay wadaan duqeymaha ka dhanka ah kooxda la baxday khilaafada Islaamka ee Suuriya.

War qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in wadahadallada hormar laga sameeyay.

Waxyaabaha uu maraykanka dalabanaya waxaa kamid ah in uu ogaada goobaha iyo goorta ay moscow duqaynayso si shil looga baaqasado.

Haddaba suurtagal ma tahay in labada dhinac ay macluumaadyada howlgaladooda ay wadaaagaan.

Waxaan su'aashaasi waydiinay Dr Sacad Sh Osman oo ka falooda arimaha caalmka oo ku sugan Marykanka

Rage Xassan ayuu u waramay.