Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

UK: Bukaankii ugu horeeyay ee qaba HIV

30 sano, ayaa laga joogaa markii bukaankii ugu horeeyay ee qaba cudurka HIV Aids lagu arkay dalka Britan.

Xilliyadii ugu horeeyay waxaa jirtay cabsi iyo shaki badan, iyada oo dadkii cudurka qaaday ay dhibaatooyin iyo takoor kala kulmayeen bulshada dhexdeeda. Wixii jiray inta badan way dhammaadeen, laakiin qeyb ka mid ah bulshada Britain oo ah dadka asal ahaan ka soo Afrika, weli waxaa adag in qofku ka baxsado takoor iyo dhibaato, haddii la ogaado in qofku qabo HIV.