Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Imtaxaanada dugsiyada sare ee Kenya oo bilaabanaya

Saaka ardeyda dugsiyada sare ee kenya waxa ay sameynayaa imtaxaanaadka qaran iyadoo ay sanadkan jiraan qeybo ka mid ah dalkan oo ay saameeyeen dhacdooyiin kala duwan.

Tii ugu dambeysay waxa ay ahayd shaqa joojintii macallimiinta oo shan isbuuc socotay, iyadoo gobolka Waqooyi bari ee Kenya ay usii dheer tahay in macallimiinta aan Soomaalida ahayn badankoodu ay ka soo tageen sababo amniga la xiriira.

Hadaba arrimahaasi waxaan ka wareysanay Cabdi Nuur Xaaji oo ah maamulaha dugsiga sare ee Sambulay ee magaalada Wajeer, 178 ardey oo iskuulkaasi dhigata ayaa imtaxaanka maanta u fariisaneysa.

Axmed Xaji Xasan oo wareystay ayaa Ugu horeyn weydiiyay in ardeyda ay diyaar u yihiin imtaxaanka oo ay qaateen dhammaad casharada manhajka Iskuulada?