Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Baqdinta Soomaaliya ee fatahaadaha laga digay

Dadweynaha iyo maamulka gobolka Shebeellaha dhexe ayaa muujiyay baqdinta ay ka qabaan saamayn ay uga tagto saadaasha ah in fatahaado ka dhashaan roobabka dayrta ee la filayo in ay curtaan bilaha November iyo December.

Digniinaha ah in daad ad xoog leh ay ka dhashaan roobabka El-nino ayaa looga dhawaaqay geeska afrika iyadoo dawladaha gobolka iyo hay'aduhu bilaabeen in ay u diyaar garoobaan. Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa la hadlay qaar kamid ah dadka degan magaalada Jowhar iyo maamulka gobolka Shebeellaha dhexe, warbixintan ayuuna Muqdisho ka soo diray.