Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tababar garsoore oo Muqdisho lagu qabtay

Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay tan iyo 1990kii waxa toddobaadkan lagu qabtay tababar garsoore oo ay si isku mid ah uga wada qayb galeen qaar kamid ah garsoorayaasha ciyaaraha kubadda koleyga Soomaaliya iyo garsoorayaal kale oo ka socday xiriirka kubadda koleyga ee wadanka Masar, waxana tababarkaasi qabtay xiriirka kubadda koleyga Afrika ee loo yaqaano FIBA.

Garsoorayaasha reer Masar ee tababarka ka qaybgalay, ayaa ahaa afar xubnood oo midkood ay ahayd garsoore dumar ah, wuxuuna socday mudo shan maalmood ah.