Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika oo ay weli ka jirto carruurta askarta laga dhigto

Dabayaaqadii sanadkii 2012-kii, markii uu dagaalka sokeeye ka dilaacay dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, ayaa kumannaan carruur ah waxaa askar ka dhigtay kooxaha hubeysan ee dalkaasi.

Bishii Abriil labada kooxood ee fallaagada ah ee Seleka iyo anti-Balaka ayaa waxa ay ogolaadeen in ay sii daayaan dhammaan carruurta askarta u ah, inkastoo tira aad u yar ilaa iyo haatan la siidaayay.

BBC-da ayaa la kulantay qaar ka mid ah carruurtaasi, oo sababa la xiriira ammaankooda loo badelay dhammaan magacyadooda. Waatan Suheyba Maxamed Badqas, oo inoo soo jeedisa warbixintaasi.