Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa ka soo bixi kara kulanka looga hadlayo mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya?

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ugu baaqay xildhibaannada mooshinka ka keenay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrinta mooshinkan ayaa soo jiitameysay in mudda ah iyadoo xildhibaannada qaar ay sharci darro ku tilmaameen mooshinkaasi.

Dhowr jeer oo horay la isugu dayay in arrintan lagu dhameeyo wadahadal ayaanay suuragelin.

Haddaba Cabdullaahi Goodax Barre, waxa uu ka tirsan yahay xildhinbaannada mooshinka ka keenay madaxweynaha, Xasan Cali Geele oo khadka taleefanka ku wareystay ayaa weydiiyay in ay kulanka maanta ka qayb galayaan iyo in kale?