Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali u tartamaysa xilalka sarsare ee gobolka Minnesota

Diyaargarowga tartanka doorashada aqallada wakiilada gobollada Mareykanka, ayaa si xawli ah uga soconaya gobollada uu ka kooban yahay dalkaasi.

Soomaalida degan waddanka Mareykanka, ayaa ka qayb qaadanaya iyada oo dhalinyara badani ay markan u sharaxan yihiin jagooyin kala duwan.

Maxamuud Nuur, waxa uu u tartamayaa jaga ka tirsan aqalka wakiillada gobolka Minnesota, waxaana uu ku tartamayaa Xisbiga Dimuqraadiga.

Hadaba, waxaa Maxamuud la kulmay oo waraystay weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen (Shiine) oo marka hore waydiiyay waxa kalifay in uu u tartamo jagaadaasi?