Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweyne Obama maxaa ku dhalilyay in uu ciidammadiisa ku sii hayo Afghanistan?

Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa ku dhawaaqay qorshayaal ay ku sii joogayaan in ka badan 5 kun oo ciidammada dalkiisa ah gudaha waddanka Afghanistan wixii ka bilowda 2017-ka.

Washington ayaa horay u qorshaysay in ay dhinto 10-ka ee milaterigeeda awoodda leh ee dalkaasi jooga oo ay ka soo reebto tira yar oo saldhig ka dhigata safaaradda.

Haddaba si aannu wax badan arrintan uga ogaanno ayaa waxaannu la xiriirnay Prof Afyare Cilmi, oo ah bare wax ka dhiga Jaamacadda Dowxa ee dalka Qadhar.

Khadka taleefanka ayuu iigu warramay, waxaanan marka hore waydiiyay, sababta keentay in madaxweyne Obama uu isbadelkan cusub sameeyo?