Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali u ololeynaysa in la shaqaalaysiiyo Soomaalida Mareykanka

Soomaalida ku nool waddanka Mareykanka ayaa lagu tiriyaa in ay ka mid yihiin qowmiyadaha shaqo la'aantu ku badan tahay ee ku sugan dalkaasi.

Arrintan ayaa la sheegaa in ay sabab u tahay iyaga oo aan intooda badan lahayn xirfadaha iyo aqoonta ay u baahan tahay shaqooyinka iyo xirfadaha ay raadinayaan shirkadaha qaata shaqaalaha.

Cabdirisaaq Biixi oo u ololeeya arrimha bulshada Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota, ayaa bilaabay barnaamij uu kaga dhaadhicinayo shirkadaha waawayn ee qaata shaqaalaha in ay qortaan oo ay tababarka ay u baahan yihiin siiyaan shaqaale ka soo jeeda bulshada Soomaalida.

Haddaba weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen ayaa la kulmay Cabdirisaaq oo waraystay, waxa uuna maraka hore waydiiyay bal shirkadii u danbaysay ee ay la kulmaan iyo wixii ay kala hadleen?