Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Roobab sababay daadad oo ka da'ay Buuhoodle

Wararka ka imaanaya tuulada Bandan oo 24 kilomitir dhanka bari ka xigta magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in halkaasi uu xalay ka da'y roob lixaad leh oo da'ayay qiyaastii shan saacadood oo xiriir ah.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in guryahoodii ay ka bexeen kaddib markii biyo ay la wareegeen tuuladaasi.

Xasan Faarax waxa uu ka mid yahay dadka deggan tuuladaasi, Xasan Gelle ayuu u warramay.