Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Puntland oo qabatay kalluumeysato sharcidaro ah

Ciidamada Badda Maamulka Puntland ayaa dhawaan gacanta ku dhigay Doonyo kalluumeysi oo ay sheegeen in si sharci darro ah uga kalluumeysanayay Xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Doonyahan oo tiradoodu gaareyso lix, lagana kala leeyahay dalalka Iraan iyo Yemen ayaa ku guda jiray kalluumeysi sharci darro ah.

Bartamihii Bishii aan Soo dhaafnay ayay ahayd markii hay'ad saldhiggeedu maraykanka ay sheegtay in kalluunka ay jallaabtaan doomaha iyo maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya uu saddex jibaar ka badan yahay kalluunka ay soomaalidu hesho.

Haddaba maxamuud maxamed cali Gabax oo ah wasiir ku xigeenka kalluumeysiga ee Puntland ayaa Xasan Cali Geele uga waramay doomaha ay soo qabteen ciidamada ilaalada xeebaha ee Puntland.