Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

maalinta labaad ee kullanka wadatashiga Somaliya

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka soconaya shirka koowaad ee madasha wadatashiga oo looga arrinsanayo hannaanka doorasho ee Soomaaliya ee sanadka 2016, marka dowladda federaalka uu wakhtigeeda dhamaado.

Madashani ayaa lagu sameeyey heshiis ay bishii hore wada gaadeen madaxda dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, waxaana kulankani ka qayb galaya madaxda dowladda federaalka, maamul goboleedyada, Golaha Wasiirada, Xildhibaanada Baarlamaanka, Beesha Caalamka iyo Ururada Bulshada rayidka.

Haddaba shirkani maxaa diirada lagu saaray, arrintaasi ayaan ka wareysanay wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya cabdiraxman odowaa. waxa uu u warramay Cissa xaaji cabdille.