Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wiil jaamacad dhammeeyay oo taksiila ah

Colaadda iyo shaqo la'aanta haysata bulshada qaaradad Afrika ee Soomaaliduna ay ka mid tahay ayaa inta badan ku khasbta dhalinyarada qaaradda in ay dalalkooda ka tahriibaan oo ay waddamada galbeedka ay u raadsadaan nolal ka wanaasgan tan waddamadooda.

Haddaba Burhaan Daaha Cabdiraxmaan waa wiil dhallinyaro ah oo sanad ka hor ka qalin jebiyay jaamicad ku taalla hargeysa...waxa uuna haatan gudaha Hargeysa kaga shaqeeyaystaa tagsi.

Burhaan ayaa halka dhallinyaro badan oo saaxiibadii ahaa ay ka tahriibeen markay shaqo waayeen oo qaarkoodna kuba dhinteen saxaaraha iyo badda , isagu waxa uu go'aansaday inuu Taksiilenimo ku shaqeysto intuu ka helayo shaqo kale

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa Taksiga burhaan raacay oo ay wada sheekeysteen, kadibna la yeeshay wareysigan xiisaha leh intii ay ku sii jireen wado hargeysa dhexdeeda marta.