Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ganacsiga Namanga iyo saamaynta doorashada Tanzania

Doorashada ka dhacayso dalka Tanzania Axadda ayaa la filayaa in ay noqoto mid adag oo markii ugu horreysay xisbiga haya talada dalkaasi ee CCM uu loolan adag kala kulmayo isbahaysi ka kooban afar xisbi. Haddaba Magaalada Namanga ee ku taala xadka Kenya iyo Tanzania, oo ay ku nool yihiin Soomaali ganacsato u badan ayaa waxaa dhawaan tegey weriyaha BBC-da Ciisa Xaaji Cabdille oo la kulmay Soomaalida halkaasi degan isaga oo kala sheekeystay ganacsigooda iyo sida ay u arkaan doorashada dalka Tanzania, warbixntan ayuuna ka diyaariyey.