Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warbixin ku saabsan dhallinta ka tahriibta Islii

600 oo kun oo qof ayaa sanadkan oo keli ah lagu qiyaasayaa inay galeen dalalka Yurub, kuwaas oo si sharcidaro ah kaga gudbay xuduudaha qaaradaasi.

Dadkaasi badan kooda waxa ay ka kala tageen dalalka, Suuriya, Afghanistan, Eritereya, Ciraaq iyo Soomaaliya.

Laakiin Weli way socotaa tahriibta. Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi waxaa ka jiro guryo la'isugu geeyo dhallinyarada tahriibeysa ee u socota dalalka Yurub.

Dhallinyarada ayaa laga kala keenay dhulka Somaalida degto, waxaana la sii mariyaa dalka Koofurta Sudan oo ay oga sii gudbaan dalka Liibiya si ay ugu gudbaan Taliyaaniga.

Mid ka mid ah Guryahaasi Waxaa tagay, weriyaha BBC, Axmed Xaji Xasan, oo warbixintan ka diyaariyay.