Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Blair: Daacish waxay ka dhalatay dagaalkii Ciraaq

Ra'iisul wasaarihii hore ee Britain Tony Blair ayaa qirtay in waxoogaa run ah ay ka jirto oraahda dhahaysa dagaalkii ciraaq ayaa u sabab ah soo bixitaanka dawladda islaamiga.

Wuxuu u shegay TV-ga CNN inay muhiim tahay in la xaqiiqsado cawaaqibka uu kacdoonkii ka dhacay dalalka carabta ku yeeshay deganaansho la'aanta iminka ka jirta dalkaas.

Wuxuu kaloo sheegay in loo baahan yahay in dadku ay fahmaan dawladda islaamiga ay ka samaysantay Suuriya, halkii loo aanayn lahaa inay ka dhalatay xaaladda Ciraaq. Abdiraxmaan Banadiri oo falanqeeya arrimaha caalamka ayaa arrimahaas uga warramay Raage Xasan.