Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gabadh ka ganacsata cunnooyinka caruurta

Wax ka wanaagsan ma jirto in noloshaadu ay ku bilaabato habka ugu wanaagsn ee ugu haboon, iyadoo macaluul carruurta ku dhacdaa ay saameyn xun ku yeelan karto noloshooda dambe.

Taasina waa sababta ay Marie Konaté, oo ah haweeney han sare leh oo u dhalatay dalka Ivory Coast, ay 20 sano ka hor u bilowday ka ganacsiga cunnooyinka fudud ee carruurta.

Qorshaheeda ayaa ah in carruurta dalkaasi ay helaan cunnooyin nafaqo leh oo haddana qiimahooda la goyn karo.

Suzanne Vanhooymissen ayaa booqatay Abidjan si ay arrintan wax badan uga ogaato, warbixintan ayeyna soo dirtay, waxaana soo koobaya, Aweys Xaaji:

Barnaamijka Haweenka Afrika oo taxane ah oo ay soo diyaariso BBC-da qeybteeda dibadaha la hadasha waxaa maalgeliyay hay'adda Bill and Melinda Gates.