Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi:matxafka soomaalida ee Minnesota.

Magaalada Menapolis ayaa waxaa lagu qabtay kulan lagu soo bandhigayey dhaqanka Soomaalida oo ay isugu yimaadeen dad dhaqanka iyo hiddaha soomaalida wax ka yaqaanna. Waxaa kale oo lagu soo bandhigay heesaha Soomaalida. Bandhigga waxaa kale oo lagu daawaday aaathaarta qadiimiga ah ee somaalida, ayadoo halkaa uu ku yaallo matxaf soomaalidu leedahay.

Cismaan Mohamed Ali gureey waa ninka aasaasay matxafka soomaalida ee Minnesota. Wariyaha BBC Maxamed Xaaji Xusen Shiine ayuu uga warramay bandhigaas oo sannadkiiba mar la qabto iyo qaabka ay kulankan u diyaariyeen.