Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Boqolaal ku barakacday daadad ka dhacay gobalka Bay

Wararka laga helayo tuulada Goofguduud oo qiyaastii 30km u jirta magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in daad ku soo rogmaday tuuladaasi ay barakiciyeen boqolaal qoys oo halkaasi ku noolaa.

Daadkan ayaa sidoo kale baabi'iyay kaydkii cunto ee ay lahaayeen qoysaska tuuladaasi ku nool oo u badan dad beeraley ah.

Roobabka xiliga dayrta ayaa ka curtay gobolo badan oo Soomaaliya kamid ah haseyeeshee kooxaha saadaasha cimilada ayaa horey uga digay in roobabkan Elnino ay keeni doonaan daadad iyo fatahaado dadka iyo duunyadaba waxyeella haddii aan loo sii diyaar garoobin

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa taleefanka kula hadlay Aadan Cali Isaaq oo kamid ah odayaasha tuulada Goofguduud, wuxuuna marka hore weydiiyay xaaladda goofguduud sida ay hadda tahay...........