Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wajeer oo dhalinyaro lagu waayay

Iyadoo maalmahan ay jireen cabashooyin ku aadan in dalka Kenya ay ku soo badanayaan dhalinyaro la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen, ayaa haatan waxaa soo baxaysa in saddex qof oo laba ay arday yihiin, kuwaasi oo wax ka baranayay dugsi sare oo ku yaal deegaanka Wajeer laga kexeystay gurigooda.

Labada wiil oo lala kaxaystay adeerkood, illaa iyo haatanna lama oga meesha la geeyay, balse waalidiinta dhalinyaradaas ayaa ku doodaya in rag ku labisan dareyska ciidammada ay carruurtooda la baxeen.

Markabo Cabdille Maxamuud, oo saddexdaasi qof waalid u ah ayaa ka warrantay sida arrintaasi ay u dhacday

Halkan ka dhagayso warbixintaasi oo uu soo jeedinayo Xasan Haybe