Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jaamacadda Jigjiga oo cilmibaadhis samaynaysa

Jamaacadda magaalada Jigjiga iyo Mac'hadka caafimaadka dadwaynaha ee ITPHI, ee dalka Switzerland ayaa kala saxiixday heshiis cilmi baadhis oo soconaya mudo toban sano ka badan.

Cilmi baadhistan ayaa diiradda lagu saari doonaa baadhitaanada iyo dawaynta xanuunada ay kala qaadaan dadka, xoolaha iyo duurjoogta.

Heshiiskani waxa uu qayb ka ahaa waxyaabo laga faaiiday Madaxwaynaha Switzerland oo booqatay magaalada Jigjiga ee Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Haddaba si aan wax badan uga ogaano heshiiskaasi Xasan Cabdullaahi Haybe ayaa khadka taleefanka ee Jigjiga, ku waraystay madaxwaynaha Jaamacadda Jigjiga, Dr Cabdinaasir Axmed Ibraahim, ugu horayna wuxuu waydiiyay bal in uu noo faahfaahiyo heshiiskaasi.