Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka Suuriya oo ay Iran ka qaybgalayso

Wasiiradda arrimaha dibadda ee Ruushka , Sacuudiga, Maraykanka iyo Turkiga ayaa ku kulmaya magaalada Vienna si ay uga wadahadlaan sida loo xalinkaro mashaakilka ka taagan Suuriya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa la sheegay in ay xaqiijisay in shirkaasi uu uga qaybgalayo wasiirka arrimaha dibadda Maxamad Javad Zarif.

Waxay noqondoontaa markii u horaysay ee ay Iran ka qaybqaadato wadahadalo caalami ah oo looga hadlayo xaaladda Suuriya.

Iran ayaa garab u ah madaxwayne Bashaar Al-Asad sida uu Ruusku sameeyay oo kale Tehran waxa ay sare u qaaday galaangalka millitari ee ka dhanka ah Jabhaddaha ka soo horjeeda Suuriya.

Xubno ka tirsan mucaaradka Suuriya ayaa horayba u sheegay in ka soo qaybgalitaanka Iran uu sii murjinayo uun xaaladda.

Haddaba si aan wax badan uga ogaano arrintan Xasan Cabdullaahi Haybe ayaa khadka taleefanka ee Maraykanka kula xiriiray Dr Sacad Sheekh Cismaan Nuur oo Caalamka Carabta ka faalooda marka horana wuxuu waydiiyay bal waxa uu ka dhiganyahay shirkani.