Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaad kala socotaa qisadii Cilmi Boodhari iyo Hodan Walanwal?

Dad badan oo Soomaali ah ayaa laga yaabaa in ay maqleen, akhristeen ama goobjoog u ahaayeen sheekadii jaceylka ee dhex martay Cilmi Boodhari iyo Hodan Cabdulle Walanwal.

Haddaba da'yarta haatan maxay kala socdaan sheekadaas? Maxaase dhab ka ah maxaanse aheyn?

Waxaa inoo suura gashay in aan wareysanno, Rashiid Maxamed Shabeelle oo ah wiil ay dhashay Hodan Cabdulle Walanwal.

Suheyba Maxamed Badqas oo la yeelatay wareysigan xiisaha badan ayaa marka hore waydiisay sida qisadaasi ay ku bilaabatay?