Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ciyaaraha Gobollada oo Jigjiga ka bilawday

Magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ka bilowday tartammo dhanka ciyaaraha kubadda cagta, orodka, laliska iyo bootinta ka kooban.

Tartamadan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya in ka badan 500 oo ciyaaryahan oo deegaanka oo dhan laga soo kala xulay.

Ujeedka tartamadan ayaa lagu sheegay sidii loo heli lahaa dhalinyaro gobolka ku matasha heer qaran iyo sidii ay bulshadu isu dhex geli lahayd.

Xasan-deeq Cabdullaahi Haybe ayaa ciyaarahaasi ka waraystay Madax xafiiseedka ciyaaraha iyo arrimaha dhalinyarada ee Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Maxamad Bile Xasan.