Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Carwada ganacsiga Hargaysa oo furantay

Magaalada Hargeysa waxaa ka furantay carwada sanadlaha ah ee ganacsiga, taasoo lagu soo bandhigay badeecadaha iyo wax soo saarka sharikadaha iyo meheradaha Somalilanad, siiba magaalada Hargeysa.

carwadan oo socondoonta todoba maalmood oo in ka badan lixdan shirikado ganacsi iyo meherado ka soo qayb galeen sanadkan, waxaa soo qabanqaabisa rugta ganacsiga somaliland oo kaashaneysa ganacsato maxalli ah.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa tagay goobta carwadan oo nooga soo diray warbixintan.