Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda ay ku shaqeeyaan saxafiyiinta Soomaaliya

Maanta waxaa dunida laga xusayo maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka isla xisaabtan la'aanta.

Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada ugu halista badan oo suxufi laga noqdo, iyadoo suxufiyyintu ay la kulmaan tacaddiyo badan oo uu dilka ka mid yahay.

Maalijn uun ka hor, waxaa weerar muqdisho ka dhacay lagu dilay weriye, mid kalena waxa uu ka mid yahay tirada dadka ee uu dhaawaca ka soo gaaray qaraxa iyo weerarka dabley ka tirsan xarakada al-shabaab ay ka gaysteen huteel Saxafi.

Haddaba Cubduqadir Cumar Cabdulle waa weriye magaalada Muqdisho ka hawlgali jiary laba jeer ayaa Muqdisho lagu dhaawacay, haddana wuxuu ku nool yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Axmed Xaji Xasan ayuu uga warramay dhaawacyadii soo gaaray iyo xaaladda suxufiyiinta Soomaaliya.