Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Khilaafka xisbiga Kulmiye

Xiisada siyaasadeed ee xisbiga talada haya Somaliland ee Kulmiye dhexdiisa ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii maanta ay ku dhawaaqeen saddex murashax ee jagada madaxweynaha ee xisbiga kumiye inaanay ku kalsooneyn oo ogoleyn guddi shan masuul ka kooban oo madaxweyne Axmed siilaanyo xalay goor danbe u magacaabay inay hubiyaan inuu jiro wax khalad ahi liisaska golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye iyo in saaxadda lagu tartami karo ee shirka 10ka bishan ka dhacaya magaalada hargeysa .

saddexda murashax oo kala ah Maxamed biixi yoonis wasiirkii hore ee Arimaha Dibedda , Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka tirsan baarllamanka somaliland , iyo Cabdilcasiis Samaale wasiirkii hore ee maaliyadda ayaa maanta shir ballaadhan ku qabtay hotel CROWN ee Hargeysa .

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa wareystay Maxamed Biixi yoonis iyo cabdilcasiis samaale oo saxaafadda la hadlay labaduba . wuxuu ku horreeyay Maxamed Biixi Yoonis oo uu weydiiyay waxay shirkooda maanta ay u qabteen