Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hargeysa Samaafarayaal ayaa lagu xiray

Magaalada Hargeysa markii ugu horeysay muddo 15 sano ah waxaa haatan lagu rakibay is-goysyada waaweyn ee jidadka laamiga ah nalka ishaarooyinka kala haga gaadiidka , nalkaasi oo ku shaqeynaya tamarta cad-ceeda ee Solar-ka loo yaqaan.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa u kuurgalay waxtarka nalalkaasi samaafaraha ee dhinaca yareynta saxmada baabuurta iyo ka hortaga shilalka , isagoo la kulmay taraafikada iyo dareewalada baabuurta oo dumar ku jiraan , wuxuuna nooga soo diray warbixintan.