Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaxooti farshaxan ku soo bandhigaya Nairobi

In ka badan 50 farshaxaniste oo laga kala keenay xeryaha qaxootiga ee dhadhaab iyo Kakuma ayaa maanta magaalada Nairobi ku soo bandhigi doono xirfaddooda dhinaca fanka.

Mashruucan waxaa soo qabanqaabisay hay'adda Qaxootiga QM ee UNHCR, waxaana ujeedadu tahay in la kobciyo qaxootiga leh xirfadaha gaarka ah.

Bandhiggan waxa uu socon doonaa illaa iyo jimcaha.

Dadka bandhiggani ka qayb qaadanaya waxaa ka mid ah Sahra xuseen Jimcaale iyo Maansuur maxamed. Cabdullahi sheekh Cabdirisaaq ayaa waresytay labaduba oo weydiiyay waxa ay soo bandhigayaan, waxaana ku hormareysa Sahro.