Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka deegaanka Geeska Afrika ee Hargeysa

Magaalada Hargeysa, waxaa si rasmi ah maanta uga furmay shir ku saabsan ilaalinta deegaanka oo ay ka soo qayb galeen wufuud ka kala socota wadammada Bariga Afrika qaarkood iyo khubaro caalami ah.

Shirka oo ka furmay Hotel Maansoor wuxuu socon doonaa muddo saddex maalmood ah, waxaana soo qabanqaabiyay urur goboleed xagga deegaanka ah oo lagu magacaabo Horn of Africa Regional Environmental Network.

Gudoomiye ku xigeenka ururkaasi, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed, ayaa waxa uu u waramay weriyaha BBCd ee Hargeysa Axmed Saciid Cige.