Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Fanaadda Maryan Mursal oo dhaqanka dhiiragelineysa

Dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay ee Soomaaliya uu burburka ka jiray waxaa dibadaha u qaxay kummanaan soomaali ah oo u adkeysan waayay colaadda iyo dhibaatada ka jirtay dalkooda hooyo.

Soomaalidaasi waxaa ka faracmay jiilal cusub oo aan dalkii iyo dhaqankiiba aan waxbo kala socon..sidaa oo ay tahayna dad badan ayaa isku dayay in ay jiilalkaasi qurbaawiga ah ay fahamsiiyaan dhaqankii soomaalida oo ay u soo bandhigaan suugaantii iyo waxyaabaha kale ee dhaqanka lagu bari karo.

Dadkaasi waxaa ka mid ah fanaanadda Maryan Mursal Cise oo hadda ku sugan dalka mareykanka, halkaasi oo ay ku soo bandhigeyso badnhig faneed iyo wacyi gelin la xiriirta dhaqanka soomaalida.

Weriyaha BBC-da ee mareykanka Maxamed Xaji Xuseen Shiine ayaa tagay goobaha ay bandhigyada ku qabanayso Maryan Mursal, wareysigan ayuuna la yeeshay.