Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shuban biyood saameeyay carruur Muqdisho ku nool

In kabadan lixdan caruur ah ayaa la sheegayaa inuu soo ritay cudurka shuban biyoodka muddo todobaad gudihii ah magaalada Muqdisho, iyadoo dhalaanka ugu badan ee uu soo ridanayo cudurkan ay ka imaanayaan xeryaha dadka gudaha ku barakacay.

Caruurta ugu badan ee cudurkan uu haleelay ayaa la dhigay isbitaalka Banaadir.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan oo tagay isbitalkaasi ayaa warbixintan halkaasi ka soo diray.