Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqeyn: Kagame iyo digniintiisa Burundi

Qalalaasaha iminka ka taagan dalka Burundi ayaa dhaliyey in dhaleeceyn ay uga timaado madaxweynaha dalka la jaarka ah ee Rwanda, Paul Kagame.

Wuxuu weydiiyey sida ay hogaamiyeyaasha Burundi u ogolaan karaan in dadkooda la xasuuqo.

Jimcihii ayuu hadalka jeediyey, laakin lama sii deyn ilaa iyo maalintii xigtay.

Haddaba si aan wax badan uga ogaanno xiisadda ka taagan Burundi iyo hadalka uu jeediyay madaxweyne Kagame ayaa waxaan ka wareysanay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka fallooda arrimaha Afrika. Faarax Lamaane ayuu u warramay.