Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waa sidee xaallada Burundi?

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shir gaar ah waxay ka yeesheen qalalaasaha ka taagan dalka Burundi oo todobaadyadii la soo dhaafay ay ka jireen dilal qorsheysan, xarig iyo qalalaase.

Faransiiska ayaa golaha ammaanka u gudbiyay qaraar qabyo ah, kaasoo lagu joojinayo xiisadda dalkaasi ka taagan.

Arrintan ayaa soo bilaabatay markii uu bishii Abriil madaxweyne Pierre Nkurunziza ku dhawaaqay in uu xilka mar saddexaad u tartamayo.

Haddaba si aan wax badan uga ogaanno si ay tahay xaaladda gudaha Burundi ayaa waxaannu waraysannay, Cabdiraxmaan Cumar Salaad, oo ah ganacsade muddo dheer ku noolaa dalkaasi Burundi, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare