Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Masuuliyiin booqday qaxootiga Soomaalida Yemen

Dalka Yemen oo ay dagaalo hada ka socdaan waxaa weli ku sugan kumanaan qaxooti soomaliyeed oo mudo sanado ahba dalkaasi joogay. Waloow qaar dadkaasi ka mid ah ay dib ugu soo noqdeen gudaha Soomaliya tan iyo intii ay dagaalada Yemen qarxeen.

Masuuliyiin ka tirsan hay'adda qaxootiga iyo barakacaasha Soomaaliya ayaa booqday xeryaha ay ku jiraan Soomaalida Yemen qaxootiga ku ah.

Gudoomiye ku xigeenka hay'adda qaxootiga iyo barakacayaasha Maxamed Amin Cabdulahi Cusman oo nagu soo booqday studiyaha ayaa uga waramay xaalada Soomalida Yamen iyo waxa ay kusoo arkeen Yamen Fardowsa Maxamed Cilmi.