Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Xaaladda dalka Burundi

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay qaraar lagu cambaaraynayo rabshadaha dalka Burundi ka socda. Sidoo kale qaraarka waxa uu wadada u xaarayaa suurtogalnimada ah in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro dalkaasi.

In ka badan 200 oo qof ayaa la dilay, kumannaan kun oo qof oo kalana waa ay ka qaxeen dalkaasi tan iyo bishii Abriil markaa oo Madaxweyne Pierre Nkurunziza uu go’aansaday inuu u tartamo xilka mar saddexaad, taasi oo khilaaf badan dhalisay.

Saamayn intee dhan ayay ku yeelan kartaa go'aanka QM xaaladda dalka Burundi.

Waxaan arrintaasi ka waraysanay Abdiwihaab Sheekh Cabdisamed oo u waramay Catoosh.