Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hay'ada ARC oo abaalmarin gudoonsiisay Dahabshiil

Waxaa xalay lagu qabtay magaalada Minneapolis ee wadanka Maraykanka kulan ay soo qabanqaabisay hay'ada caalamiga ah ee araimaha qaxootiga qaabilsan ee American Refugees Committee ARC.

Kkulanka cashada ahaa waxaa looga hadlay horumarka iyo dhibaatooyinka horyaala dadka qaxootiga ah. Waxaana ka qaybgalay ugu yaraan 1000 qof oo ka kala yimid wadamada caalamka

Waxaa sidoo kale fadhiyay Safiirka Somaliya u fadhiya magaalada Washington.

Waxaa kale oo abaalmarin la gudoonsiiyay shirkadaha loo aqoonsaday in ay wax ka qabtaan hawlaha dadka qaxootiga ah.

Shirkadahaasina waxaa ka mid ahaa shirkada ganacsiga ee Dahabshiil

Abdirashiid Maxamed Saciid waaa maareeyaha guud ee shirkada Dahabshiil.

Wariyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen oo kulankaasi ka qaybgalay ayaa waraystay Cabdirashiid Dahabshiil