Faransiiska oo raadinaya Salah Abdeslam

Salah Abdeslam, Lahaanshaha sawirka Other

Dalka Faransiiska waxaa ka socda baadigoobka dadkii badbaaday ee ka dambeeyay weerarkii ka dhacay magaalada Paris iyo kuwii weerarkaasi la soo qorsheeyayba.

Weerarkaasi oo dhacay habeenimadii jimcaha waxaa ku dhintay 129 ruux.

Booliisku waxay magacaabeen Salah Abdeslam, oo 26 jir ah oo ku dhashay Brussels, waxayna sheegeen in uu yahay qof aad looga shakisanyahay.

Waxaa lagu soo waramayaa in booliisku istaajiyeen markii uu weerarku socday balse ay markii dambe iska sii daayeen.

Dhanka kalana diyaaradaha dagaalka ee Faransiisku waxay garaacayaan goobaha ay ku xoogbadanyihiin kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ee ku yaala gudaha dalka Suuriya.