Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Guddi xaqiiqo raadin ah oo Xuduuda booqanaya

Wefdi heer federaal ah ayaa lagu wadaa in saaka ay u baxaan magaalada Beled Xaawo ee dhacda soohdinta ay Soomaaliya la wadaagto Kenya, halkaasi oo maalmahan laga soo sheegayay in derbiga ay xukuumadda Nairobi ka dhiseyso soohdinta uu gudaha u galay dhanka Soomaaliya.

Wefdiga oo wasiiro iyo xildhibaanno isugu jira ayaa soo eegi doona xaqiiqada dhulka taalla.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan waxa uu ka mid yahay xubnaha wefdigaasi. Weriyaha BBC-da Maxamed Cabdiraxman ayuu khadka telefoonka ee Muqdisho ugu warramay.