Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cawke oo lagu aasay Tog-wajaale

Madaxweynaha dawlad deegaanka soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamed Cumar, Madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxman Cabdillahi Zeylici iyo gudoomiyaha xisbiga talada haya Somaliland Ee kulmiye muuse Biixi Cabdi oo ka mid ahaa kumanaankii dadweynihii shalay galab ka qayb galay aaskii Allaha u naxariistee Weriye Axmed Xasan Cawke, ayaa waxaa ay xalay saxaafadda kula hadleen magaalada Tog-wajaale.

waxay ka hadleen madaxdaasi waxyaabaha dhaqanka iyo ehelnimada ee mideeya ummada soomaalida iyagoo tusaale u soo qaatay xabaasha ay isugu wada yimaadeen.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa madaxdaasi mid walba weydiiyay wuxuu ka odhanayo geerida Axmed Xasan Cawke ee kulmisay ..waxaa ku horeeyay Madaxweynaha Dawlad deegaanka soomalida ee Ethiopia Cabdi Maxamed Cumar.